Saturday, May 25th, 2013

Haweenku Raga Ma Tukin Karaan:Sh.Maxamed Sh.Cabdiraxmaan Kaariye

Published on March 29, 2013 by   ·   No Comments

ARAAR:

Maqaalkan waxaan qoray sanadkii 2005 kii, internadkana waa lagu faafiyay, waxa hadaba keenay inaan mar labaad faafinaa waa iyadoo ay wali jiraaan amaba ay sii kordhayaan sababihii iyo xaaladihii  ka dambeeyay qoraalkiisa markii hore. Ciidul fitrigii sanadkan oo ku beegnayd 8/19/2012 ayaa koox yar oo faro ku tirisa oo ku kulmay afkaaro leexsan ooy ka mid yihiin kuwo qofkii banaystaa diinta kaga baxayo, ayaa magaalada Los Angeles ka sameeyay  salaad bidciya oo gabadhi imaam u noqotay  rag iyo dumar aan xijaabnayn oo is garab taagan.

Maqaalkii hore waxaan ka bedelay waxyaabo yar oo la xidhiidha higaada, tarjumada iyo qaabka qorniinka, waxaan kaloo ku kordhiyay hadalo aan ka soo naqilay culimada qaarkood sida Gudida Fatwada ee Sucuudiga, Sh.Axmed Shaakir iyo Sh.Muxammad Al-Cusaymiin. Inta kale maqaalku waa sidiisii hore.

Siyaabo kala duwan ayaa la doonayaa in boodh iyo habaas loogu kiciyo caqiidada iyo diinta Islaamka, siyaabahaasi ooy ka mid yihiin in dumarka Muslinka ah laga dhaadhiciyo fikradaha femeniisamka “FeministIdeologies” oo ku fashilmay dhulalkii Galbeedka eey ku dhex dhasheen. Fikirkan qaabka darani wuxuu gabood ka dhigtaa si uu u marin habaabiyo dumarka Muslimiinta  aragtiyo iyo fikrado ay mar walba ku hadaaqaan ooy ka mid yihiin: “ women’s rights, Gender equality, women’s liberation” , oo ah xuquuqda dumarka, sinaanta raga iyo  dumarkaiyo xoreynta dumarka. Walaasha Muslinki waa inay kalsooni buuxda ku qabtaa shareecada Rabigeed ?? ??? , waxay sharaf iyo maamuus ku heleysaa raacitaanka diinteeda iyo aqbalida axkaanta Ilaahay ?? ??? u dejiyay dumarka Muslimiinta ee Isaga u hogaansamay, axkaantaasi waa caadil waana xaq, dumarkana waxay siinaysaa xuquuqda uu Ilaahay ?? ??? uga raali noqday.

Ereyada ay femeniisku ku hadaaqaan ooy ka mid yihiin kuwa aynu soo sheegnay, waxay mar walba ku fasiraan qeexitaan libiraaliya oo col la ah diin oo dhan, aragtida femeniiskuna waa aragti iyo fikir horor ku ah wax walba oo ka tarjumaya diin, akhlaaq iyo xishmo.

Sida aynu ka arki doono hadalada culimada Islaamka ee lagu kalsoon yahayna, waxa cad in waxa ay kooxahan iyo kuwa la midkiba ku kaceen tahay xaaraan aan diinta Islaamka ku banaanayn.

HORDHAC:

Waxa la wada maqlay dhacdadii layaabka iyo amakaaga ku keentay Muslimiinta ku nool Waqooyiga Ameerika gaar ahaan, guud ahaana shucuubta Muslinka ah meel walba ooy ka joogaan daafaha aduunka, ee ahayd inay haweenay Maraykana oo la yidhaahdo Dr. Amina Waduud ay taariikhdu markay ahayd 3/18/2005 banaysatay inay akhrido khudbadii Jimcaha  Salaadana tukiso rag iyo dumar is dhex fadhiya oo garbaha isku haya. Waxa la yaab leh in kuwa qabanqaabiyey salaadan bidciga ah ee shareecada khilaafsani ay ku andacoonayaan in looga dan leeyahay sidii loo taageeri lahaa loona hore marin lahaa sinaanta raga iyo dumarka.

Hadaba iyadoo arinku ku lug leeyahay shareecada, ayaa waxaan maqaalkan ku muujiyey in arinkani yahay mid diinta iyo shareecada aan sinaba ugu banaanayn.

Waa wax aan hore loogu maqal taariikhda Msulimiinta, jamaahiirta culimada Islaamka ooy ku jiraan afarta mad-habna waxay isku waafaqeen inayna dumarku arinkan ku kici karin.  Hoos waxa ku tibaaxan caddaymo tilmaamaya qallooca dhacdadan shariicada ka soo horjeeda.

Hadaba, bal aan soo bandhigno waxa culimada Islaamku ka yidhaahdeen arintan, waxaan ku bilaabi doonaa waxay afarta mad-hab ee caanka ahi ka yidhaahdeen ama ka qabaan inay haweenay rag u noqon karto imaam iyo in kale.

Axnaafta:

??? ??? ?????? ?????? ?? ?? ??????? [1/577] (??? ??? ?????? ??? ??????? ?? ?? ??????) .

Ibnu Caabidiin Al-xanafi ayaa ku yidhi Radul Mukhtaar 1/577 : “ Ma ansaxayso salaadda uu nin ku daba tukado haweenay.”

Maalikiyada:

??? ?? ????? ??? ??? ??? ????????? “????? ?????? ??????? ??? ????? ?? ??? ??? ?????????” [2/7] : (??? ??? ?????? ?? ????? ??? ?????? ?? ?????? ??? ?????) .

Ibnu abii Zayd Al-qayrawaani ayaa yidhi: “Haweenayda uma banaana inay rag iyo dumar midna imaam u noqoto, faral iyo sunne midnaba.”

??? ?????? ?? ??????? [1/459] :  (???? ?? ???? ??? ??????? ??? ???? ???? ????? ???? : ????? ???????? ???????? ?????? ???????? ??? ?????? ??? ??????? ??? ?????? ?? ??? ?????? ??? ?????? ?? ????? ??? ?????). 1/459

Al-baaji ayaa ku yidhi Al-muntaqaa 1/459 : “ Waxyaabaha uu Imaam Maalik yidhi way manciyaan imaamnimadu waa seddex nooc: Ta hore waa dhedignimada, ta labaad waa yaraanta, ta seddexaadna waa nuqsaanta diineed. Hadaba dhedignimadu waxa weeyi inaysan haweenaydu  imaam u noqon karayn rag iyo dumar midkoodna, faral iyo sunne midnaba”.

Shaaficiyada:

???? ?????? ??????? ?? ???? [1/191] (???? ??? ?????? ????? ????? ?????? ???? ????? ?????? ?????? ????? ?????? ???????? ?????? ??? ????? ; ??? ???? ?? ??? ??? ?????? ?????? ??? ?????? ?????? ?? ?? ??? ??????? ??? ???? ?? ???? ????? ???? ??? ?? ???? ???? ????).

Imaam Shaafici ayaa yidhi (Al-um 1/191): “Haddii ay gabadhu tukiso rag,dumar iyo caruur, salaadda dumarku waa sax, haseyeeshee salaadda raga iyo caruurta inamada ahi ma ansaxayso; waayo Ilaahay ?? ??? ayaa raga ka yeelay kuwo u taagan maamulka haweenka, wuxuuna ka reebay inay waliyo noqdaan, sinaba kuma banaana inay haweenay nin u noqoto imaam salaada”

???? ???????? ??????? ?? ?????? [1/97] : (??? ???? ????? ?? ???? ??? ??????… ??? ??? ????? ??? ???? ?? ??? ???? ???????).

Ash-Shiiraazi Ashaafici ayaa yidhi: “Ninka uma banaana inuu ku daba tukado gabadh … Haddii uu ku dabo tukado gabadh isagoon ogayn waxa ku waajiba inuu salaadaa dib u tukado markuu ogaado”.

??? ?????? ?????? ??????? ?? ??????? [4/151](???? ??????? ??? ??? ?? ???? ???? ??? ???? ??? ??? ??? ?????? ????? ?? ??? ????? ?????? ?????? ???? ????? ????????? , ????? ??????? , ??? ?????? , ????? ?????? ??????? ?? ????? ??????- ????? ????- ????? ??????? ?? ??????? ?????? ????? ??????? ????????, ??? ???? ???? ???? ????? ?????? ?????).

Nawawi Ayaa yidhi (Al-majmuuc 4/151): “Waxay isku waafaqeeen asxaabtaydu (culimada shaaficigu) in ayna  u banaaneen nin qaangaadha iyo inan (wiil) yar midna inay ku daba tukadaan haweenay, ha ahaato salaad farad ah, taraawiixda, iyo sunnaha kale  midna, sidaasi ayuu yahay mad-habkayagu, waana mad-habka culimada badankooda ee salafkii iyo khalafkiiba- Alle ha u naxariistee. Bayhaqi ayaa yidhi waa mad-habka todobada faqiih oo ahaa fuqahadii taabiciinta ee Madiina, waana mad-habka Maalik, Abuu Xaniifa, Sufyaan, Axmed iyo Daa’uud.”

Xanaabilada:

???? ???????? ??????? ?? ??????? [2/263](??? ??? ????? ?????? ????? ??? ?????? ?????? ???? ??? ?? ???????? ??? ???? ?? ??? ????????? ???? ??? ???????? ???: ??? ?? ???? ????? ??? ????? ? ????: ?? ???? ???? ?? ?????? ? ????: ?? ???? ???? ??? ???? ????: ?? ???? ?? ??? ?? ????).

Al-mardaawi Al-xanbali ayaa ku yidh Al-insaaf 2/263: “Ma banaana inay haweenaydu ragga imaam u noqoto, sidaasi ayaa mad-habka ah, waxa laga soo wariyey inuu baneeyey taraawiixda oo kaliya. Warintan haddii la cuskadana waxa la yidhi: way banaantahay haddii ay tahay qaari’ad iyaguna ay yihiin ummiyiin, waxa kale oo la yidhi hadday ka akhris wanaagsan tahay ragga, waxa kale oo la yidhi haddii ay ka akhris wanaagsantahay raguna yihiin qaraabadeeda, waxa kale oo la yidhi hadday qaraabo u tahay ama habar weyn tahay”

Daahiriyada:

???? ??? ??? ?? ?????? [1/167](??? ???? ?? ??? ?????? ????? ??? ??????, ???? ?? ?? ???? ??? , ????? ??? ???? ?? ??? ??? ?????? ???? ???? ????? ??? ???? ?????? ?? ???? ???? ?????? ??? ???? ???? ????? ?? ?????? ??? ??, ??? ?????? ??? ???? ????????? ??? ??).

Ibnu Xazam ayaa ku yidhi Al-muxallaa [1/167] : “ Ma banaana inay haweenaydu tukiso nin iyo rag midna, arinkana waa mid aan laysku khilaafin, waxa kale oo naska ku yimid inay haweenaydu goynayso salaada ninka haddii  ay hor marto, waxana xukunka Nabigu ???? ??????    yahay inay ku daba tukado ninka iyo inuu mar walba imaamku is hor taago ma’muumiinta”.

Sh.Axmed Muxammad Shaakir:

??? ???? ???? : (???? ??????? ?????? ?? ????? ??????? ???? ?? ???? ?????? ?? ??? ?????? ?????? ???? ???? ??? ?? ??? ?????? ??? ??? ???????) [????? ?????? ??????? ????? ???? ???? ????: 2/622].

Gudidada Fatwada ee Sucuudiga:

Gudida Fatwada ee Sucuudiga ayaa ku fityootay oo tidhi: “ma banaana inay dumarku tukiyaan raga”,[ Al-fataawaa 7/390].

Fatwo kale ooy ku saxeexan yihiin Sh.Cabdul Caziiz bin Baaz, Sh. Cabdul Razaaq  Al-Cafiifi, Sh.Cabdullaahi bin Qucuud iyo Sh.Cabdullaahi bin qadayaan ayaa waxa la weydiiyay su’aasha ah:

(??????: ?? ???? ?????? ?? ???? ?????? ?????? ??? ???? ???? ?????? ???? ???? ? ???? ??? ???? ???? ????? ?????? ????? ???? .. ??? ???? ????? ?????? ?? ??? ?????? ?? ?????? ?)

Su’aal: Ma u banaan tahay gabadha inay tukiso ninkeeda iyo reerkeeda haddii ay iyada kaga wanaagsan tahay salaada, oo ay iyadu axkaanta salaada iyaga ka taqaano.. Sharcigu se ma ogol yahay in gabadhu ay ehelkeeda tukiso salaada?”

Jawaabtooda qayb ka midi waa sidan:

(?? ??? ????? ?????? ?????? ? ??? ??????? ?? ?????? ?? ???????? ?????????  ????? ??? ??????? ? ?????? ??????? ??? ??? ????? ????? ?????? ? ??? ???? ?????? ?? ??? ?????? ? ??? ??? ???? ?? ??? ?? ????? ?????? . ??? ??????? ?????? ??? ??? ???? ? ??? ????? ????? ??? ???? ???? ??? ???? ??? ???? ???? ? ???? ?? ????? ??? ???? ???? ???? ??? ??? ????? ?? ?????? ?? ??? ??? ????? ? ???? ?? ??????). 
“ Ansax maaha inay gabadhi imaam u noqoto raga, waayo imaamada salaadu waxay ka mid tahay cibaadada, cibaadaduna waxay ku dabrantahay daliilka sharciga ah, sunaha camaliguna wuxuu tusayaa inuu  nin imaam u noqdo raga, kolkaa ma banaana in gabadhi tujiso raga, waayo arinkaasi wuxuu khilaafsan yahay waxa laga ogyahay sharciga daahirka ah.

Wayse tukin kartaa dumarka oo waxba kuma jabna, Caa’isha, Allaah ha ka raali noqdee, iyo Umu Salama, Allaah ha ka raali noqdee, ayaa sidaa sameeyay. Nabiga ??? ????? ???? ???? waxa laga soo weriyay inuu amray gabadh saxaabadiisa ka mida inay tukiso dumarka gurigeeda”

Sh Muxammad Saalix ibnu Cusaymiin:

??? ???? ????? ?? ????? ?????? [4/312] : ( ????? ??? ?? ????? ??? ????? ???? ???? ??? : {??? ???? ?????? ?????}  ???? ???? ??? ??? ?? ???? ??? ?? ??????? ??????? ?? ???? ??? ?? ??????? ??? ???? ???? ??????? ??????? ?????? ????? ????? ?? ???????? ??? ?????? ???? ?? ????? ???????).

Wuxuu Sheekhu ku yidhi buugiisa As-sharxul  Mumtic [4/312]: “ daliil kalena waa inuu Nabiga??? ????? ???? ???? yidhi ( safafka dumarka waxa ugu khayr badan kuwa ugu dambeeya) kani wuxuu daliil  u yahay inaysan meel ku lahayn xagga hore, imaamkuna waa inuu kolayba istaago xagga hore, haddaba haddaynu u ansixino inay raga tukiyaan waxay taasi afgambi ku keenaysaa wadciga, oo iyadii ayaa ragii ka horaynaysa, arinkana shariicadu ma ayidsana.”

Fatwo uu Sheekhu ka bixiyay su’aal la weydiiyay oo ahayd (xukunka inay haweenaydu imaam u noqoto raga?) ayuu sheekhu kaga jawaabay sida soo socota, jawaabtuna waxay ku taalaa buugiisa “????? ????? ????? ???? ?? ???? ????????” [15/147]:

(?????? ?? ??? ?????? ?????? {??? ???? ??? ???? ????? ?????}).

“Gabadhi marnaba ma tukin karto raga. Mana liibaanaan qoom arinkooda u dhiibtay gabadh”.

Sh. Yusuf Al-qaradaawi:

??? ??????? ???? ????????: ( ?? ????? ?? ????? ???????? ???? ????? ??? ???? : ?? ????? ???? ?????? ???? ?????? …?????? ?? ??????? ?? ??????: ?????? ??????? ??? ?????? ???? ???? ??????? ?? ).

Dr. Yusuf wuxuu yidhi: “ laguma yaqaan taariikhda Muslimiinta afar iyo tobon qarni gudahood haweenay  khudbad jimce akhriday oo rag tukisay…. Asal ahaana raga ayaa iska leh imaamnimada salaada, waayo imaamka waxa loo jideeyay in lagu daydo.” [www.Islam-online]

Sheekhul Azharka:

??? ??????? ???? ??? ?????? ??? ?????? : (????? ?????? ?????? ???? ???? ???? ???? ?? ???? ?????? ?? ?? ?????? ???????? ?? ????????? ?? ?? ???? ??????? ?? ?? ??? ???? ???? ???????,? ????? ???? ??? ?? ???? ????? ????? ????? ?? ???????,? ??? ??? ?????? ????).

Dr. Muxamad Sayid Dandaawi oo ah Sheekhul Azharka ayaa yidhi: “ Inay haweenaydu dumarka imaam u noqoto salaadda Jimcaha amaba salaadaha kalee faradka ah ama salaadda sunnhaha ah ama salaad walba oo kale, maaha wax banaan, hayeeshee waxa u banaan inay tukiso dumarka, waayo jidhka haweenaydu waa cawro.” [www.ahram.org.eg; Safar 9 1426 H]

Golaha Fuqahada Shareecada ee Ameerika:

Caddayn uu soo saaray Golaha Fuqahada shareecada ee Ameerika oo uu ku saxeexan yahay Dr.Salaax Saawi ayaa sidan hoos ku tibaaxan sheegay:

“ Bari iyo galbeedba waxay ummaddu isku waafaqday  inaysan dumarku shuqul ku lahayn khudbadda Jimcaha iyo imaamnimada salaada, qofkii arrinkan ka qayb qaatana salaadiisu waa baadil, imaam iyo ma’muum labadab.”

MAXAA DALIILA:

1.      Xadiiska Nabiga ??? ????? ???? ???? :

??? ??????? ?? ??? ???? ??? ????? ??? [4425] ?? ????? ??? ????? ???? ???? ???: {?? ???? ??? ???? ?????  ?????}

Bukhaari ayaa ka soo wariyay Abii Bakrah Ilaahay raali ha ka noqdee inuu Nabigii Alle??? ????? ???? ???? yidhi :( ma liibaanayaan qoom arrinkooda u dhiibay haweenay).

Xadiisku wuxuu tilmaamayaa in dumarka aan loo dhiibin madaxnimada ummadda, waxa kaloo laga daliishanayaa inaysan banaanayn in loo dhiibo imaamnimada salaadda waayo imaamnimada salaaddu waxay ka mid tahay madaxnimada diinta .

2.      Xadiiska Nabiga??? ????? ???? ???? :

????  ???? ?? ????? ?? ??? ????? ??? ????? ??? [440] ??? : ??? ???? ????? ??? ????? ???? ????: {??? ???? ?????? ????? ????? ?????? ???? ???? ?????? ????? ????? ?????}.

Muslim ayaa ka soo wariyay Abii hurayra Ilaahay raali ha ka noqdee inuu yidhi: Nabigii??? ????? ???? ???? ayaa ydidhi: ((Safafka ragga waxa ugu khayr badan kuwa ugu horeeya waxana ugu shar badan kuwa ugu dambeeya, safafka dumarkna waxa ugu khayr badan kuwa ugu dambeeya waxana ugu shar badan kuwa ugu horeeya))

Xadiiskani wxuxuu si cad u tilmaamayaa ujeedo ay shareecadu dhidibada u aastay oo ah in xaalka dumarku ku dednaado xishmad, asturaad, iyo xishood.

Taasina waxay caawinaysaa in la hor istaago fitnada, fasahaadka iyo sharka unkama markay raga iyo dumarku is dhex galaan. Si arinkan loo xoojiyo ayuu Nabigu ??? ????? ???? ????  dumarka ku tukanya masaajidkiisa u sameeyay albaab iyaga u gaara, wuxuu kaloo raga u sheegay  inay fadhiyaan ooy sugaan intay dumarku baxayaan, Hadaba hadday shareecadu arinkan heerkaa gaadhsiisay sidee ayaa loo odhan karaa way u banaan tahay dumarku inay raga imaamyo u noqdaan amaba ay minbarka fuulaan si ay u akhriyaan khudbadda jimcaha? Waxa halkan ku cad foolxumada uu arinkani leeyhay iyo fitnada uu dhalinayo!!

Faa’iido: Arinkan uu xadiisku tilmaamay ee ah in safafka dumarka ay ugu khayr badan yihiin kuwa ugu dambeeya , waxa loola jeedaa haddii ay raga iyo dumarku meel keliya ku wada tukanayaan: haddiise ay dumarku leeyihiin meel u gaara ooy ku tukadaan, waxa kolkaa safafkooda ugu khayr badan kuwa ugu horeeya sida raga oo kale (Fataawaa As-salaah, Sh. Muxammad bin Saalix Al-cusaymiin:311).

3.      Inayna dumarka u banaaneen inay raga tukiyaan iyo inay khudbadda jimcaha akhriyaan ayay ummadu ku camal falaysay salaf iyo khalfba, taariikhda ummadana  laguma hayo haweenay intay fagaaraha u soo baxday tidhi raga ayaan imaam u noqonayaa, khudbada jimcahana waan akhriyayaa. Sidaa awgeed ayuu imaam Nawawi u yidhi:

??? ?????? ??????? ?? ??????? [4/151] ( ???? ??????? ??? ??? ?? ???? ???? ??? ???? ??? ??? ??? ?????? ????? ?? ??? ????? ?????? ?????? ???? ????? ????????? , ????? ??????? , ??? ?????? , ????? ?????? ??????? ?? ????? ??????- ????? ????- ????? ??????? ?? ??????? ?????? ????? ??????? ????????, ??? ???? ???? ???? ????? ?????? ????? ?????).

Nawawi  Ayaa yidhi (Al-majmuuc 4/151): “ Waxay isku waafaqeeen asxaabtaydu (culimada shaaficigu) inaysan  u banaaneen nin qaangaadh iyo inan  (wiil) yar midna inay ku daba tukadaan haweenay, ha ahaato salaad farad ah,taraawiixda,iyo sunaha kale midna,sidaasi ayuu yahay mad-habkayagu,waana mad-habka culimada badankooda,salafkii iyo khalafkiiba- Alle ha u naxariistee. Bayhaqi ayaa yidhi waa mad-habka todobada faqiih oo ahaa fuqahadii taabiciinta ee Madiina, waana mad-habka Maalik, Abuu Xaniifa, Sufyaan, Axmed iyo Daa’uud.”

Taariikhda Islaamka waxa ka buuxa dumar culimo ah oo heer sare ka gaadhay cilmiga shareecada, sida caalimaddii weyneed ee Caa’isha bintu Abii Bakar Ilaahay raali ha ka noqdee. Taariikhda ayaa ka markhaatiya dumarka culimada iyo shuyuukhda ahaa ee ku caan baxay cilmiyada xadiiska, fiqiga ee magacyadooda iyo taariikh nololeedkoodu ku xusan yahay bogaga kutubta. Al-xaafid  Ad-dahabi ayaa ka marag kacay qadarinta iyo ixtiraamka ay mutaysteen dumarka culimada ahaa markuu ku yidhi buugiisa qiimaha badan ee Miizaan Al-ictidaal[4/604]:

(??? ???? ?? ?????? ?? ????? ??? ?? ??????).

“Ma garanayo haweenay la tuhmay iyo mid laga tagay midna”

(?? ???? ?? ????? ???? ???? ?? ??????).

“Lama soo sheegin haweenay been ka sheegaty xadiiska.”

Waxa kaloo aynu taariikhda ku haynaa inay jireen imaamyo waaweyn iyo culimo raga oo cilmiga ka bartay dumar, sida Shaafici, Bukhaari,ibnu xayaan, xataa waxa jirta inay sheekhyada wax baray Al-xaafid ibnu Casaakir ay ka mid ahaayeen dhowr iyo todobaatan dumari.

Iyadoo taariikhda lagu hayo dumarkaa cilmiga badnaa haddana kolnaba lama maqal haweenay ku andacootay oo tidhi ragaan salaad tukinayaa.

Waxay daliishadiin kuwa leh dumarku raga ha tukiyaan:

Waxa kaliya ee lays odhan karo way ku andacoodeen kuwa maanta leh way  banaan tahay in haweenku  tukiyaan raga iyo inay khudbada jimcaha akhriyaan waxa weeye xadiiska hoos ku tibaaxan:

???? ??? ?????  ????? ?? ????????? ?? ????? ?? ?? ???? ??? ???????? ??? ??????  {?? ????? ??? ????? ???? ???? ????? ?? ??? ??? ?????}. [??? ???????:2/211]

Abuu Daa’uud ayaa ka soo weriyay Ummu Waraqa “inuu Nabigu ??? ????? ???? ???? amray Inay tukiso dadka gurigeeda.”[Cawanul Macbuud :2/211]

Xadiiskan waxa lagaga jawaabay arimo dhowra  oo kala ah sida hoos ku tibaaxan:

Ta koowaad: inuu xadiisku daciif yahay, loona daliishan karayn mas’aladda laga niqaashayo, culimada tilmaamtay dacfigiisa waxa ka mida kuwa soo socda ee yidhi sidan:

??? ?????? ?? ??????? ??? ??????: (??? ?????? ??? ?? ????? ?? ???? ????).

Al-Baajii ayaa ku yidhi Al-muntaqaa sharax Al-muwada’: “xadiiskan ma haboona in la cuskado”

???? ?????? ??? ??? ?? ??????? ??????[2/56]: (?? ?????? ??? ?????? ?? ????? ???? ?????).

Ibnu Xajar ayaa ku yidhi At-talkhiis Al-xabiir: (2/56) : “Isnaadkiisa waxaa ku jira Cabdul Raxmaan bin  Khallaad, xaalkiisana lagama war hayo.”

Ta labaad:  Haddii la qaato hadalka culimada xadiiska ansixisay ooy ka mid yihiin ibnu Khuzayma oo yidhi xadiisku waa saxiix, siduu Ibnu Xajar ku sheegay Buluuq Al-maraam(84),  iyo Al-Baani  oo yidhi xadiisku waa xasan ( Irwaa Al-qaliil : 2/255); waa in la yidhaahdo imaamnimadeedu waxay ku gaar ahayd dumarka gurigeeda, ra’yigana waxa ayidaya oo xoojinaya ama taageeraya riwaayada (werinta) Adaaraaqudni oo odhanaysa:

(??? ????? ?? ??? ???? ??? ?????).

“ Waxa uu amray inay tukiso dumarka gurigeeda.”

Waxaan jirin xadiis si cad u tibaaxaya inuu Nibigu  ??? ????? ???? ???? amray inay tukiso raga gurigeeda jooga, xataa haba noqdaan kuwa maxramkeeda ah. Sidaa awgeed ayaa lo odhan karaa waa in la cuskado riwaayada Adaaraaqudni ee caddaysay inuu Nabigu ??? ????? ???? ????amray inay tukiso dumarka gurigeeda, sidaa awgeed ayuu Ibnu Qudaama u yidhi:

??? ??? ????? ?? ( ??????) :  ( ???? ????? ??? ??????).

“ Waxa waajiba in la aqbalo ziyaadadan”

Gudida Fatwada ee Sucuudiga oo Sh.Cabdul Caziiz  bin Baaz madax ka ahaa ayaa iyaguna ayiday ra’yigan odhanaya wuxuu Nabigu  ??? ????? ???? ????amray um Waraqa inay tukiso dumarka gurigeeda;Waxay yidhaahdeen:

(???? ?? ????? ??? ????? ???? ???? ??? ??? ????? ?? ??? ??? ?????? ???? ?? ??????). ????? ?????? ??????? ?????? ??????? ????????: [7/392].

“ Nabiga??? ????? ???? ???? ayaa amray haweenay ka mida saxaabadiisa inay tukiso dadka gurigeeda, yacnii dumarka.”

Ra’yigan waxa ka hor imanaysa su’aasha ah:maxaad kaga jawaabaysaan inuu Nabigu u magacaabay nin u adima markay salaaddu soo gasho? Jawaabta laga bixiyay waxay tahay inay suura gal tahay inuu u adimi jiray ka dibna uu jamaacada raga ee masaajidka  la tukan jiray.

Ta seddexaad:  Haddii la yidhaahdo wey tukinaysaa raga gurigeeda, waxa cad in ay ahaayeen maxramkeeda, iyaduna ay ahayd qaari’ad ku wanaagsan Qur’aanka. Kolkaasi waa xad guduba in islaan weynah oo tukinaysa rag maxram u ah la barbar dhigo xaaladdan maanta fitnada ku keentay muslimiinta ku nool Maraykan ee ah inay haweeynay doonaysa inay imaam iyo khadiib jimce ka noqoto jamac isugu jira ragg iyo dumar. Sidaa awgeed ayaa imaam Axmed laga wariyey inuu leeyahay ra’yi odhanaya way banaantahay inay haweynaydu  salaadda taraawiixda imaam u noqoto rag haddii ay iyadu tahay islaan weyn oo qaari’ad a, raguna yihiin maxram aan Qur’aanka akhriyi karayn. Waxa halkan ku cad  Ilaahay xaqa hayna garansiiyee inuu imaamku arrinkan ku dabray  shardiyada aynu tibaaxnay. Waxaynu waliba intan ku daraynaa inay qolada banaysay inay haweynayda sidan oo kale ahi tukin karto raga gurigeeda ee maxramka u ah ay yidhaahdeen waa inay is daba taagto markay tukinayso ooyna hortooda istaagin.

??? ???????? ?? ???????:( ??? ????: ??? ??????? ???? ????? ??? ?????? ???? ????. ??????? ???. ??? ?????? ).

Mardaawi ayaa ku yidhi Al-insaaf : “ Haddaynu nidhi  way ansaxaysaa imaamnimadeedu, waxa weeye inay isdaba taagto, iyaguna ku xidhaan, waayo sidaasi ayaa asturan. Sidaasi ayaana saxa.”

Ta afraad:  Waa in la yidhaahdo arrinkan iyo oglaanshahan la siiyey Um Waraqa inay imaam noqoto iyada ayuu gaar ku ahaa, sida uu sheegay Ibnu Qudaama.

Haweenaydu way tukin kartaa haween kale:

Way banaantahay inay haweenaydu  imaam u noqoto haween kale, sidaana waxa laga soo wariyey: Caa’isha, Um Salama, Cadaa, , Ath-thawri, Al-awzaaci,  Isxaaq iyo abuu Thowr. Shaafici iyo Axmed ayaa iyaguna ra’yigan qaba (muqni Al-muxtaaj 1/247, Al-muqni 2/202, Abuu Xaniifa wuu karaahiyeestay, haddayse tukiso salaadoodu waa sax ayuu yidhi (Al-lubaab 1/80). Imaa Maalik isagu wuxuu yidhi xataa dumarka imaam uma noqon karto (Bidaayad Al Mujtahid 2/289),Shacbi iyo Nakhaci iyagu waxay ku fityoodeen inay sunnaha tukin karto, laakiin ayna faradka imaam noqon karayn.

Culimada banaysay inay hawaynadu imaam u noqon karto dumar kale waxay daliishadeen arimahan hoos ku tibaaxan oon dhinacna looga baydhi karayn.

??? ?????? ??? ??? ?? ??????? [1/169] : ( ????? ???? ?? ?????? ?? ????? ??????? ?????? ?? ?????: ???? ???? ??? ?????? ?? ??? ?????? ????? ????).

Al-xaafid ibnu Xajar ayaa ku yidhi Ad-diraaya (1/169) : “ Muxamad ibnu Xusayn ayaa ka soo weriyey Ibraahiim An-nakhaci: inay Caa’ishi dumar tukin jirtay bisha Ramadaan ayna dhexdooda istaagi jirtay”

???? ??? ?????? (5083) ?? ??? ???? ???: ( ??? ?????? ?????? ???? ?? ????).

Cabdul Rizaaq (5083) ayaa  soo weriyey inuu Ibnu Cabbaas yidhi: “haweenaydu way tukin kartaa dumarka waxayna istaagaysaa dhexdooda.”

???? ??? ??? ???? (2/88) ???? ?????? (5082) ?? ??????? ?? ???? ??????? ?? ????? ?? ???? ???? ??? ?????? ?? ?? ????: (???? ?????? ????? ????).
???? ??? ??????: (????? ?? ???? ?? ???? ?????? ????? ?????).

Ibnu abii Shayba (2/88) iyo Cabdull Rizaaq (5082) ayaa laba dariiq kaga soo weriyey Cammaar Ad-duhni in haweenay reerkooga ah oo la yidhaahdo Xujayrah ay werisay: “ inay Ummu Salama tukisay, istaagtayna dhexdooda.”

Odhaahda Cabdull Rizaaq waxa weeye: “ Ummu Salama ayaa na tukisay salaad Casar, waxayna istaagtay dhexdayada.”

Daliilada kor ku tibaaxan ayaa caddaynaya inay haweenaydu u banaan tahay inay dumarka imaam u noqoto sidaas ayaana xaqa waafaqsan.

Gabagabo:

Waxa Muslimiinta ku waajiba inay ku dadaalaan siday diintooda u fahmi lahaayeen iyagoo cuskanaya Qur’aanka, Sunnaha iyo fahamkii salafka. Fitnada iyo xumaanta  ay u ololeenayaan kuwa leexsani waxa weeye mid aan waxba yeelayn diinta Islaamka , hayeeshee waxa la gudboon culimada iyo xarakaadka sunniga ah inay xoog saaraan siday u faafin lahaayeen manhajka iyo fahamka salafiga ah.

Readers Comments (0)

Wararka Maanta

ey

Hilibka dooliga oo loo iibinayo sida hilibka caadi ah dalka China

May, 19, 2013
Booliska dalka China ayaa xabsiga dhigay dad tiradooda lagu qiyaasay 900 oo qof  oo looga shakiyey iney iibinaayeen ...
soma-denmark

Wiil Soomaali oo lagu Eedeeyay in gabar yar oo 10 sano jir ah Dalka Denmark ku kufsaday!!(Daawo Muuqaal+Warbixin)

May, 17, 2013
Wiil Soomaali ah oo ku nool dalka Denmarka ayaa waxa la sheegay inay maxkamd ku taal dalkaasi ay ...
latoya

La Toya Jackson oo qiratay in reer aaqiraadka walaalkeed Michael jackson uu u gaarsanaaya.

April, 28, 2013
La Toya jackson oo ah 56 jir la dhalatay Michael Jackson ayaa shaaca ka qaaday in ay dareensan tahay ...
images

Cumar Borkan Algala atoore u dhashay dalka Imaaratka oo dhawaan Saudi Arabia laga soo musaafuriyey oo quruxdiisu ay noqotay hadalheynta ugu badan

April, 28, 2013
Cumar Borkan AlGala oo ah atoore,gabyaa iyo sawirqaade dhawaan asaga iyo rag kale oo la socday laga soo ...
TAKE ME OUT

GABAR SOOMAALIYEED KA SOO MUUQATAY BARNAAMIJKA “TAKE ME OUT EE TV-GA..

April, 28, 2013
Gabar Soomaali ah oo nin doon ah ayaa waxaa la sheegay inay dhawaantaan ka soo muuqatey telefishinka dalka ...
aminamuse

DAAWO Aamino Muuse Wehliye oo Barnaamij Ka Sameeysay Hab Dhaqanka Gabdhaha Soomaaliyeed Ee Ku Nool Magaalada London

April, 5, 2013
Wariye Aamino Muuse Wehliye oo Barnaamij Ku Fadeexeysay Gabdhaha Soomaaliyeed ee Ku Barbaaray Qurbaha Qaasatan Magaalada London Ee ...

DAAWO QAREEN DAD QIYAAMAY

April, 1, 2013
Ninkan oo lagu magacaabo Giovanni di Stefano da’diisana lagu qiyaasay ilaa 57 sano jir ayaa la sheegay inuu ...
Jacyelka Lamaanaha

Haweenku Raga Ma Tukin Karaan:Sh.Maxamed Sh.Cabdiraxmaan Kaariye

March, 29, 2013
ARAAR: Maqaalkan waxaan qoray sanadkii 2005 kii, internadkana waa lagu faafiyay, waxa hadaba keenay inaan mar labaad faafinaa waa ...

Heerrarka Caqliyada

March, 29, 2013
Kolka la abla-ablaynayo heerrarka caqliyada aadanaha iyo qaab fekerkooda waxaa la yiraahdaa waxay u kala qaybsamaan saddex nooc: ...
Jacyelka Lamaanaha

DAAWO Nin isku dayey in uu sawiro nabigeena Maxamed SCW oo beerka laga tumay

March, 29, 2013
Nin swedish ayaa waxa uu soo bandhigaayey sawir uu ku sheegay Nabigeena Maxamed SCW markii uu bilaabay in ...